Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Masar, C/Fataax El-Sisi, sida ay shaaciyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo tan dowladda Masar.
War lagu daabacay barta Twitter-ka ee Villa Soomaaliya, labadda hogaamiye ayaa wadahadalkooda diiradda kusaarey sida ka loo xoojin karo cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah & sidii loosii horumarin lahaa iskaashiga wadajirka ah ee dhinacyada kala duwan si loo gaaro danaha wadaagga ah ee labada dal iyo dadka.
Afhayeenka Madaxtooyada dalka Masar, Danjire Basaam Raadi ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweyne Elsisi uu Telefoon ka helay dhigiisa dalka Somalia, isaga oo sheegay inay guul labada Madaxweyne ka gaareen wada-hadalkooda.
Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay aad u soo hagaagayay kadib markii uu xumaaday dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho ku tega dalka Masar, isaga oo wada-hadallo la yeeshay Madaxweynaha dalkaas C/Fataax El-Sisi.

