Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay Taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Safiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee Munaasabadda ka qayb galay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta Soomaaliya ammaan ah, xor ka ah Argagixisada, isku filan isla markaana ay ka qabsoomaan doorashooyin Dimuquraaddi ah ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan  ka jeediyay Munaasabadda Maalinta Midowga Yurub oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Exit mobile version