Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee Jamhuuriyadda Turkiga, halkaas oo ay ka dhacayso munaasabad taariikhi u ah xiriirika iyo iskaashiga Labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo ay ka wada hadlayaan qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Exit mobile version