Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Xasan Sheeh oo shir uga qayb galaya dalka Jabtuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti kaga qeyb-gali doono kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Madaxda Urur goboleedka IGAD  uu kala hadlo sidii Dawladaha IGAD  ay uga gacan siin lahayeen la dagaalanka Alshabaab iyo sidii ay Isaga kaashan lahayeen Amniga gobolka Geeska Afrika.

Dawlada Somaaliya ayaa tan iyo Markii Golaha Amaanka ee  Qaramada Midoobay uu ka qaaday Cunu qabateeynta Hubka oo saarneyd dalkeena  ayaa madaxda Dawlada waxaa ay dadaal xoogan ku bixinayaan Tayeeynta Ciidanka iyo sidii guud ahaan Amniga dalka ay ula wareegi lahayeen Ciidamada Dawlada marka ay dalka ka baxaan Ciidanka ATMIS .

Exit mobile version