Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Gaas oo Q.M kala hadlay abaaraha ka jira Puntland ”Sawiro”

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya ee dhinaca aadanaha Peter De Clercq.

Kulanka ayaa Madaxweynaha  waxaa ku wehlinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar, Guddoomiyaha golaha wakiillada Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen arimaha bani’aadanimada.

Sidoo kale C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa kawada hadlay arrimaha abaaraha  ee ka jira Puntland iyo qaabkii Qaramada midoobay iyo Puntland ay isaga kaashan lahaayeen gurmadka abaaraha.

Exit mobile version