Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u magacaabay Burhaan Cilmi Xirsi Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda maamulka Puntland.
Burhaan Cilmi Xirsi ayaa horey u soo noqday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Degaanka, Duurjoogta & Dalxiiska puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasiiru dowlaha cusub ee Madaxtooyadda in uu yahay nin karti badan oo waxbadan kusoo kordhinkara Puntland.
Dr Maxamed Cabaas Macalin ayaa Jagadan 1-dii October ee sannadkii hore iska casilay.

