Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Gaas oo baaq ku aadan la dagaalanka Al-shabaab u diray DFS & beesha caalamka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab isagoo ku baaqay C/Wali Gaas in dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab siyaasad lagu soo daro.

Waxa uu sheegay howlgalka lagula dagaalamayo kilinka militariga balse meesha ay ka maqantahay in Al-habaab lagula dagaalamo arimo siyaasadeed.

Waxa uu dhanka kale tilmaamay in deegaanada Puntland ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana ciidamada maamulka Puntland kaligoodna halkaas ay kula dagaalamaan iyaga oo aan iskaashi ka heleynin ciidamada Midowga Africe ee Soomaaliya ku sugan.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas Waxa uu tilmaamay AL-shabaab inaan kaliya lagaga adkaan karin kaliya dagaal militari oo lagu qaado balse ay muhiim tahay in lawada xasuusnaado oo dagaalkana lagu soo daro siyaasad lagu kala dilo ururka Al-Shabaab.

Hadalkan ayuu ka sheegay C/Wali Maxamed Cali Gaas magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia xilli uu ku sugnaa kadib wareysi uu siiyay wakaalada wararka ee Ethiopia.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/02/Feysal.mp3?_=1
Exit mobile version