Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho maanta ka furay Shir Caalami ah

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed  ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir heer sare ah oo looga hadlayo abaaraha dalka ka jira.

Waxaa ka qeyb galaaya  Shirkaan xubno ka socda Beesha Caalamka  iyo sidoo kale maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirka ayaa inta uu socdo waxa lagu falaqeyn doonaa Abaaraha dalka ka jira.

Shirkaan ayaa imaanaya xilli Abaaraha ka jira dalka ay sii baahayaan , islamarkaana kumanaan qof ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan abaaraha.

Exit mobile version