Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku geeriyooday qaraxyadaas.
“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee Shabaab ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in weerarada Shabaab aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “weeraradda Shabaab ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray “Weeraradaan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaanno Shabaab oo aan gaarsiino shacabka Soomaaliyed xasillooni iyo horumar ay mahdiyaan.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isku daygan Shabaab ay ku doonayaan inay ku hor istagaan horumarka shacabka Soomaaliyeed uusan u suurta galayn.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga, isagoona faray in ay sii xoojiyaan feejignaantooda.

