Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Goor dhow ka duulay Garoonka Aadan cadde Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa kusii jeedda Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Carabiya.
Sababta uu aaday ayaa lagu sheegay in ay tahay ka dhabeynta Heshiisyaddii ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Waa Safarkii Saddexaad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku taggo dalka Sucuudiga Carabiya tan iyo markii la doortay.

