Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa oo caawa gaaray magaalada Jabuuti ayaa berri kulan la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimaha diiradda lagu saarayo kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

ila lagu kalsoonyahay ayaa sheegaaya inuu madaxweyne Farmaajo ku sii jeedo Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo la filayo inuu kula kulmo madaxweyaha Soomaaliland oo isla beri tagi doona Adis Ababa, kulanka labada madaxweyne waxaa abaabulay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abby Axmed.

Exit mobile version