Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Saakay Booqday qaar ka mid ah Xeryaha ay kunool yihiin Barakacayaasha ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Meelaha uu booqday Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah xeryaha ay kunool yihiin Barakacayaasha ee ku yaalla Sayidka.
Waxaa uu dadka Barakacayaasha ah uu ka wareystay Xaaladda ay kunool yihiin , isagoona mid mid u gacan qaaday.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la sheegay in dadkaasi uu u qeybiyay Bustayaal iyo baco.

