Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Deni oo sheegay inay ka qeyb qaadanayaan dagaallada ka socda dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 51aad ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya & Arrimaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa marka hore sheegay in daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho  ay guddi u saareen soo qiimaya waxyeeladu intay leeg tahay , sidoo kalena ay soo dhamaatay daraasad ku saabsan si xal waara looga gaaro daadadka soo noq noqday.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in Puntland ay la socoto howlgallada dalka ka socda ee looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland degmooyin badan oo katirsan laga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, taasina ay tahay qorshaha Xukuumaddiisa.

Exit mobile version