Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne Deni oo eedeyn u jeediyay dowladda dhexe kuna dhawaaqay Shirweyne

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay hareer martay Hanaankii lagu heshiiyay, islamarkaana loo baahan yahay dhismaha dowlad Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa iclaamiyay shir wadatashi oo 15 bisha soo socota Maarso lagu qabanayo magaalada Garowe, kaasoo looga hadlayo xaalada sii xumaaneysa ee Puntland iyo Federaalka, isagoo u yeeray Xubnaha Puntland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Siyaasiyiinta.

” Waxbadan ayaa madaxda Dawladda Faderaalka lahadalnay si howsha taagan loo dhammaayo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka ahaano ” ayuu yiri Deni .
Exit mobile version