Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo maanta hishiis gaaraya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta, ayaa maanta lagu wadaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo ku aadan xiritaanka xeryaha qaxootiga dalka Kenya.

Shalay Labada Madaxweyne ayaa isla gorfeeyay arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, arrimaha amniga, iskaashiga dhaqaalaha, isku socodka shacabka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka.

Maanta waxaa lagu wadaa in labada madexweynaha ay gaaraan go’aamo ay ku cadyihiin waxyaabihii ay isku afgarteen labada Hogaamiye.

Dadka kunool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka ayaa maanta ka war sugaaya go’aamada labada Madaxweyne ay ka gaarayaan arimaha qaxootiga.

Exit mobile version