Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Turkiga oo imaanaya Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay yimaadaan magaalada Muqdisho sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa kulamo la yeelan doona Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu xariga ka jaro Saldhig ay Dowladda Turkiga ka dhisatay Muqdisho oo lagu tababari doono Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhismaha Saldhiggan oo bedkiiso yahay 400 oo Hegtar ayaa dowladda Turkiga waxaa ay ku bixisay lacag ka badan $50 Milyan

Dalka Turkiga ayaa kaalmo weyn siiya dowladda iyo shacabka Soomaaliya iyadoo kaalmadiisii ugu dambeysay ay ahayd markab sida shixnad cunto ah oo ay dowladda Turkiga u soo dirtay dadkii ay saameeyeen abaaraha.

 

 

Exit mobile version