Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo Waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegaya in uu qeyb ka yahay ololihiisa Doorashada.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo dhawaan gaaray Magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Xildhibaanada cusub ee ka imaanaya degaanada maamulka Jubbaland , waxaana uu ka codsaday in ay doortaan.
Magaalada Kismaayo oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay doorashada Aqalka Hoose ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxaa gaaraya Musharaxiin u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
