Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Mas’uul cusub

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa lagu magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland.
Wareegtada ayaa waxa ay u qornayd sidan:

Xafiiska Madaxweynaha
Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;
Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Exit mobile version