Wararka naga soo gaaraya puntland ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland uu xilkii ka qaaday taliyihii nabad sugid Puntland iyo ku xigeenkiisii.
Madaxweynaha Puntland ayaa xilkii ka qaaday taliyihii nabad sugida puntland Sharmake Sheekh Doon iyo sidoo kale ku xigeenkiisii Abshir Aadan .
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale taliyaal cusub u magacaabay sirdoonka Puntland Taliyaha Cusub nabad sugida Puntland ayaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Dhexe Maxamud Cabdi Maxamad Taliyaha ciidanka hay’ada PIA, ku xigeen Gaashaanle Dhexe Siciid Salaad Maxamad.
