Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha oo ubax dhigay Taaladda Daljirka Dahsoon

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta Taalada Daljirka Dahsoon oo ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah ugu qeyb galay Munaasabada 1 Luulyo.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere waxa uu Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Baanbeyda ee Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa salaanta ka dib Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana Madaxweynaha garbihiisa socday 2 Gabdho oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Madaxweynaha ku hagayaay dhigista Ubaxa ee Taalada Dahjirka Dahsoon.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay ahmiyada Xuska 1 Luulyo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu mahad celiyay dareenka ay u muujiyeen weyneynta Maalmaha Xuriyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu dhalinyarada kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan barnaamijyada hormarineed oo ay dowladu wado.

1-dii luulyo 1960 Maanta oo kale ayaa gobolada koofureed waxa ay ka xoroobeyn gumeystihii Talyaaniga, waxaana sidoo kale loo asteeyay midowgii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

 

Exit mobile version