Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Maamulka Falastiin oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda Masar

Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim waxa uu maanta kulan la qaatay Wafdi dhanka Ammaanka oo ka socday dalka Masar.

Kulankaasi waxa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee magaalladda Ramala ee Daanta Galbeed.

Inta uu socday Kulankaasi, waxay labada dhinac ka wada xaajoodeen Horumarada la xiriira Xabbad-joojinta Marinka Qasa, Quddus iyo Daanta Galbeed iyo xiriirinta dadaallada Dib-u-dhiska Marinka Qasa.

Madaxweynaha Falastiin waxa uu dhigiisa dalka Masar, C/Fataax Al-sisi kaga mahad celiyey dadaalladda ku aadan Xabbad-joojinta iyo Dib-u-dhiska Marinka Qasa

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Rayidka Falastiin, Xuseen Al-sheekh iyo Madaxa Guud ee Hay’adda Sirdoonka Falastiin, Maajid Faraj.

Wafdiga Masaarida waxay shalay booqdeen Marinka Qasa, dadaal ay ku doonayaan in lagu xoojiyo Heshiiska Xabbad-joojinta taagta daran ee ay gaareen Falastiin iyo Israel.

Dhinaca kale, 75 gawaarida xamuulka oo waday Shixnad Deeq oo ay Shacabka Masaarida u soo direen Walaalahooda Reer Falastiin ayaa waxay maanta ka gudbeen Macbarka Rafax, si loo gaarsiiyo Qoysaska Reer Falastiin ee dhibaataysan..

Exit mobile version