Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano Shir uga socda Dubai

Kulamo Siyaasadeed ayaa ka socda Magaalada Abuu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray dalkaasi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyaa in ay maalgaliso qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada dowladda kasoo horjeedda.

Shirarka iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Dubai ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ahna Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Cumar C/rashiid oo dhawaan ka hadlay xaaladda Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan siyaasadda dalka ay ku soo korodhay isbedel ah in mucaarad aanan hubasnayn la caburiyo.

Mucaaradka dowladda ayaa xoogeystay ka dib markii dhawaan ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay weerar khasaare dhaliyay ay ku qaadeen Guriga Siyaasiga dowladda Mucaaradka ku ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa sidoo kale jira Xildhibaano badan oo ka carooday hadalkii Xeerilaaliyaha Qaranka ee ahaa in Xasaanada laga qaado labo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Exit mobile version