Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Kenya iyo Raila Odinga oo kulan yeeshay (SAWIRRO)

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay tan iyo doorashadii, kadib warbaahinta ayay si wadajir ah ula hadleen.

Labadan masuul ayaa waxa ay balan qaadeen in ay bilaabayaan geedi socod dib u heshiisiin ka dib doorashadii sida kulul loogu tartamay sanaddii aanu soo dhaafnay.

Uhuru Kenyatta ayaa yiri “Waxa aan billaabaynaa geedi socod aan uga wada xaajoonayno halka ay dhibaatada naga haysato iyo waxa nakala qaybinaya, waxaan si niyad sami leh ku soo dhaweynayaa walaalkey Raila.”

Dhinaca kale hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Mr. Odinga ayaa sheegay in xilligan la joogo waqtigii la xalin lahaa farqiga u dhaxeeya labadooda.

Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhamitay ka dib muran ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday, sanadkii tagay.

Horraantii sanadkan Mr. Odinga ayaa isu dhaariyay Madaxwaynaha shacabka waxa uuna diiday in uu Mr Kenyatta u aqoonsado in uu doorashada ku guulaystay oo uu Madaxwayne yahay.

Madaxwayne Kenyatta ayaa markii labaad xilka loo dhaariyay bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay.

Exit mobile version