Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay iyo Safiirka Midowga Yurub

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha taagan ee hortaagan geeddi-socodka siyaasadeed, iyo sidoo kale fursadaha lagu xoojin karo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo wadashaqeynta u dhexeysa dhinacyada siyaasadda.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagaga hadlay shirka siyaasadeed ee dhawaan lagu wado in lagu qabto magaalada Kismaayo, doorka uu ku yeelan karo dhimista khilaafaadka siyaasadeed, iyo baahida loo qabo is-afgarad qaran oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka nidaamka dowladeed ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku ay kaalin muuqata ka qaadato fududeynta wada-hadallada siyaasadeed, si loo helo xal waara oo ay isku raacsan yihiin dhammaan dhinacyada Soomaalida.

Dhankooda, Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa muujiyay taageeradooda joogtada ah ee xasilloonida, midnimada iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadal iyo isu-tanaasul siyaasadeed.

Exit mobile version