Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda maaliyadda maamulka Hirshabeelle , waxaana uu sidoo kale Magacaabay Wasiir cusub.
Wasiirka xilka laga qaaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Maxamuud Cabdulle , waxaana uu lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay howlaha horumarinta Maaliyadda maamulka Hirshabeelle.
Cosoble ayaa sidoo kale Wasiirka cusub ee Wasaaradda maaliyadda u Magacaabay Zaki Cabdi Xaraare oo uu sheegay in uu aqoon u leeyihiin horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha maamulka Hirshabeelle.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Wasiirada ay si buuxda u gutaan shaqadooda.
