Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Shir Kula Qaatay Magaalada Muqdisho Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Kulankaan Waxaa Looga Hadlay Dadargalinta iyo Ka Faaideysiga Mashaariicyada Horumarineed ee UNka Gaar’ahaan Maashaariicda Dib-u-heshiisiinta, Dhismaha Golayaasha Degaanada iyo Hirgalinta Mashaariicda Saameynta Degg-Daga (Quick impact projects) ee Loo Sameynayo Magaalooyinka Dib Looga Xureeyay Al-Shabaab, Kala Shaqeyn DG HirShabeelle Horumarinta Deegaanada iyo Xoojinta Dowladnimada Deegaanada iyo Degmooyinka  HirShabeelle

Waxaa Kale oo Kulankan Looga Hadlay Sidii hey’adaha UNICEF iyo Heya’da Beerha iyo Waraabka Qaramad Midoobay FOA ay u Dardargalin lahaayeen Mashaariicda Biyaha Gaar ahaan Helista Biyo Nadiif ah iyo Ka Hortaga Fatahaadaha ka Dhaca Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne.

Exit mobile version