Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo ka tegay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Degmada Cadalle Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadalle uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka dalka looga xureeynayo Al-Shabaab ay hormuud u noqdaan shacabka Gobolkaan isagoo xusay in deegaano badan oo dalka ah laga xureeysaaray Al-Shabaab.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab.

