Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa goor dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho soo caga dhigatay Diyaaradii waday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo caafimaad dalka Hindiya ugu maqnaa.
Madaxweynaha Galmudug waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.
C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Mas’uuliyiinta kale ee Garoonka ku soo dhaweysay, waxaana uu sheegay in caafimaadkiisa hada uu yahay mid wanaagsan.
Madaxweynaha Galmudug oo qaliin lagula sameeyay dalka Hindiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka si uu usii ambaqaado hawlaha shaqo ee uu ka hayay Galmudug.
Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qeyb ka noqonaya shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho.
