Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxwaynaha Bolivia oo afti ku guul daraystay

Madaxwaynaha dalka Bolivia, Evo Morales ayaa si dirqi ah ku waayay in uu mar afraad u tartamo madaxwaynenimada dalkaasi kaddib markii afti la qaaday, sidaas waxaa muujiyay warbixinta hor dhaca ah ee Aftida.

Mid ka mid ah tirada codadka la dhiibtay ayaa muujinaya in 52.3% ay dadku ka soo hor jeedsadeen, mid kale ayaase tilmaamaysa in 51% dadkii codka dhiibtay ay ku gacansayreen in Morales uu mar kale uu hogaamiyo dalka.

Si kastaba ha ahaatee Morales ku xigeenkiisa ayaa saadaalinaya in madaxwayne Morales oo ah kii u horeeyay ee ka soo jeeda dadka asal ahaan u daganaa dalkaasi in uu aftida guul ka gaaro marka ay soo dhamaystiranto natiijada rasmiga ah ee aftida.

Haddii sharciga la badalo Morales wuxuu madaxwayne sii ahaan lahaa tan iyo 2025-ka.

Taageerayaasha mucaaradka oo ku sugan qaybo ka mid ah caasimadda La Paz ayaa u dabaaldagaya natiijada aftida.

Morales wuxuu ka soo jeedaa dadka asalka ah ee Aymara wuxuuna horay u ahaa nin beerta caleenta Coca, wuxuu xilka qabtay 2006.

Xilka madaxwaynenimada ee uu hadda hayo wuxuu ka dhamaanayaa sanadka 2020.

Exit mobile version