Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxtooyada Soomaaliya oo war soo saartay safarka MW ee Galmudug

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay safarka uu galabta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo uu ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug,

“Safarka Madaxweynaha ee deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku qotoma xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo Madaxweynuhu uu ka qayb-gali doono munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Galmudug daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada dowlad-goboleedka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorsheyAsha lagu dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.

Exit mobile version