Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow lagu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Soo dhaweynta Madaxdaasi ayaa  waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa ay ka qeyb gali doonaan Shirka Dowladda Dhexe iyo Madaxda maamulada ee ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Mar ay kula hadleen Warbaahinta Garoonka waxa ay sheegeen in ay u yimaadeen Shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

 

Exit mobile version