Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo Garowe ka degay

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland Dani iyo ku xigeenkiisa ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka waxaana Madaxda ay sheegeen in ay ka qeyb gali  doonaan Xafladda Caleemasaarka Madaxda Cusub ee Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horay u gaaray Magaalada Garowe, waxaana la hadda la sugaya in Madaxweynaha Galmudug.

Exit mobile version