Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo masuuloyiin kale ayaa maanta ka qeyb galaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo dadaalkii dowladda Jabuuti ee qabashada Shirweynihii Dib u Heshiisiinta Soomaalida ee Carta, kaas oo saldhig u noqday dib u yagleelidda Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.
Munaasabadda oo uu martigeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu qabtay magaalada Jabuuti, iyadoo lagu maamuusayo kaalintii taariikhiga ahayd ee Jabuuti ka qaadatay nabadeynta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Intii lagu guda jiro xuska, Madaxweyne Geelle ayaa daahfuraya Xarunta cusub ee Dib u Heshiisiinta Geeska Afrika, oo loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo astaan u ah midnimada iyo dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, magaalada Carta oo qiyaastii 40 Km u jirta magaalada Jabuuti, ayaa maanta kusii qulqulaya wafuud kala duwan oo ka kala socda Soomaaliya iyo dalalka deriska, kuwaas oo ka qeyb galaya xuska 25-sano guuradii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabadda maanta dhacaysa ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo guulaha iyo isbeddellada mira dhalka ah ee Soomaaliya ka soo hooysay shirkii Carta iyo sida uu u gogol-xaadhay dowladnimada maanta jirta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Jabuuti kulamo gaar ah la qaadan doona madaxda sare ee dowladda martida loo yahay, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha horumarinta gobolka Geeska Afrika.

