Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madasha Samatabixinta: “Doorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis leh”

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ugu hadleen xaalada siyaasadeed uu xiligan marayo dalka.

Qoraal ayaa waxaa ;agu yiri “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyadoo ka duuleysa xaaladda siyaasadeed, amni, iyo midda dastuuriga ah ee uu dalku wajahayo, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Agoosto 2025 iclaamisay Shir deg deg ah oo ay isugu imaan doonaan dhammaan xubnaha madasha, si loo badbaadiyo mustaqbalka dalka lagana hortago qalalaasaha ka sii dareysa.”

Go’aankan wuxuu yimid kadib kulan laba maalmood socday oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay madashu kaga arrinsatay:

Madashu waxay si gaar ah uga digtay tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo doorasho xor ah oo xilligeeda ku dhacda, waxayna si cad u diidday wax kasta oo keeni kara muddo kororsi aan sharci ahayn.

  1. In la helo xal siyaasadeed oo deg deg ah oo lagu badbaadinayo hannaanka dimuqraadiga ee dalka.

  2. In si qaran ah looga tashado arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo wadajirka federaalka.

  3. In la diyaariyo mowqif mideysan oo looga hortago ficillada lidka ku ah dowladnimada iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa lagu casuumayaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, bulshada rayidka ah, culimada, ganacsatada, haweenka, dhalinyarada, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera dowladnimada Soomaaliya.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar kale ku celinaysaa ballanqaadkeeda ku aaddan difaaca dastuurka, ilaalinta dimuqraadiyadda, iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

 

Exit mobile version