Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madasha qaran oo manta war-murtiyeed laga soo saari doono.

Shirka Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa  in saakay  war-murtiyeed laga soo saaro.

wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xarunta uu shirka ka socdo ayaa sheegaya in manta lagu wado in laga soo saaro war-murtiyeed.

shalay ayey aheyd in la soo gabagabayeeyo laakiin ma suurta galin, waxaana ugu dambeyn lagu wadaa in laga soo saaro qodobo ay isku raaceen madexda dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa ajendayaal ay ka mid yihiin dhaqan-gelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay, in laga munaaqishoodo barnaamijka siyaasadda dowladda ee Amniga Qaranka iyo barnaamijka dib u eegista dastuurka KMG ee Qaranka.

Waxaa la filayaa in sirka laga soo saaro habka farsamo ee lagu soo xulayo Xildhhibanada labada aqal ee baarlamaanka cusub.

Wararka waxa ay sheegayaan inaysan jirin wax caqabad ah, oo ilaa iminka jira, iyadoo gabo gabada la soo saaro doono qodobo muhiim u ah ajendayasha laga hadlayo.

Exit mobile version