Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Macallinkii kooxda Gaadiidka oo is casilay

Edward Karanja, oo u dhashay dalka Kenya ayaa ka mid ah tababarayaasha Ajaanibta ee u soo shaqo doontay Horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya, waxaana uu hoggaaminayay kooxda Gaadiidka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta naadiga Gaadiidka, ayaa xaqiijiyay is-casilaada macallin Edward Karanja, waxaana arrinta ay timid iyadoo qandaraaskiisa uu ka harsanaa dhowr bilood.

Gaadiidka waxaa si ku meel gaar ah u sii hoggaamin doonno tababare ku xigeenka naadiga macallin C/raxmaan Taree.

Tababaraha shaqadda ka tagay ayaa kooxda Gaadiidka hoggaaminayay labbadii sanno ee la soo dhaafay.

Exit mobile version