Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maamulka Waqooyi Galbeed oo sheegay inay xireen shan muwaadin oo Mareykan ah

Hay’adda Sirdoonka Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliland (NIA) ayaa shaacisay inay xirtay shan muwaadin oo Mareykan ah, kuwaas oo ay sheegtay inay muddo la socotay tan iyo markii ay gudaha u soo galeen deegaannada maamulkaasi.

 

Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in raggaasi ay damacsanaayeen inay fuliyaan falal halis gelin kara amniga maamulka Waqooyi Galbeed, taas oo keentay in sirdoonku uu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqooda.

 

NIA ayaa sheegtay in baaritaan dheer kaddib ay shanta nin ku wareejisay safaaradda Mareykanka, iyadoo aan bayaanka lagu faahfaahin nooca falalka amni-darro ee lagu eedeeyay ama magacyada dadka la xiray.

 

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli maamulka Waqooyi Galbeed uu dadaallo ugu jiro sidii uu ku heli lahaa aqoonsi caalami ah, isla markaana ay jiraan dooddo siyaasadeed oo la xiriira xiriirka uu la leeyahay dalalka shisheeye.

 

Ilaa hadda ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxday dowladda Mareykanka oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay shanta muwaadin iyo sababta ay u joogeen deegaannada maamulkaasi.

Exit mobile version