Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maamulka Magaalada Baydhabo oo Amaro soo saarey

Maamulka Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay soo saareen amaro la xiriira ka hortaga Cudurka Coronavirus oo dad badan ugu dhinteen qaar kamid ah wadamaa Caalamka.

Qoraal kasoo baxey Xafiiska Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu mamnuucey la la isugu yimaado Goobo ay kamid yihiin,hoteelada Maqaayadaha iyo Goobaha fadhi ku dirirka.

Amarkaan oo la firey Shacbaka Magaalada baydhabo iyo mas’uuliyiinta Maamulka ayaa waxaa la ogeeysiiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha koonfur Galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Taliska Booliska Magaalada Baydhabo.

Exit mobile version