Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maamulka KGS oo Guddoomiyaha Baydhabo u Magacaabay Ibraahim Kalaay oo Laftagareen ka soo goostay

Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay, oo dhowaan ka soo goostay dhinaca madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada.

Magacaabista Kalaay ayaa waxaa sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, iyadoo tallaabadan ay kusoo beegmaysa xilli magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.

Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle, oo ay degaan dad la xiriira dhinaca Laftagareen.

Wararka ayaa sheegaya in Kalaay uu gacanta ku hayo ciidamo iyo saddex gaadiid dagaal, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Baydhabo, iyadoo taageeradaas ciidan ay ka mid noqon karto sababaha uu maamulka Koonfur Galbeed ugu doortay xilka cusub.

Magacaabista ayaa timid kadib markii Kalaay uu wadahadallo la yeeshay maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe, waxaana tallaabadan loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada maamulka cusub uu ku doonayo inuu ku xoojiyo awooddiisa magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, magacaabista Kalaay ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xubno iyo ciidamo taabacsan Laftagareen ay weli ku sugan yihiin duleedka Baydhabo, taas oo cadaadis siyaasadeed iyo mid amni ku abuurtay maamulka Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa wajahaya xaalad xasaasi ah oo la xiriirta kala safashada siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo Baydhabo ay noqotay goob ay ku kulmaan loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Magacaabista Ibraahim Kalaay ayaa sidaas darteed loo arki karaa isku day lagu doonayo in lagu kasbado dhinacyada ka soo horjeeda Laftagareen, isla markaana lagu xoojiyo maamulka Aadan Madoobe ee magaalada Baydhabo.

Exit mobile version