Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Gudoomiye kuxigeenada Gobolka iyo Maamulka Degmada Jowhar ayaa kormeer ku tagay Goobaha laga cabsi qabo in fatahaad ka sameeyo wabiga Shabelle xiliga uu biyo keeno
Mas’uuliyiintaan ayaa kormeer ku tagay qeybta bari ee uu maro wabiga Shabelle gaar ahaan xaafada Horseed oo sanad walba uu wabiga fatahaad ka sameeyo.
Waxaa ay sheegeen mas’uuliyiinta Maamulka in uu soconayo Qorshaha wax looga qabanayo goobaha uu ka fataho wabiga Shabelle oo saameeyn ku yeesha Dadka iyo Degaanka
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in wax badan laga qaban doono cabashada Bulshada si looga hortago fatahaadaha uu sameeyo wabiga Shabelle.
Sidoo kale wuxuu Bulshada ugu baaqay in Maamulka kala shaqeeyaan wax kaqabashada goobaha uu ka jilicsanyahay Wabiga si uusan fatahaad u sameyn.

