Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyey dilal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaaliya.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen raggii ka dambeeyey dil xalay ka dhacay magaalada muqdisho.
Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in laamaha ammaanka maamulka gobolka Banaadir ay gacanta kusoo dhigeen rag xalay xaafada Al-Barako ee degmada Hodan ku dilay dhalinyaro da’dooda lagu qiyaasay 9 jir, 6 jir iyo 20 jir kuwasoo uu sheegay afhayeenku in loo dilay si bareer ah.
Xalane waxa uu tilmaamay ragga dilka geystay in ay ka tirsan yihiin ciidanka militariga Soomaaliya ,islamarkaana ay dhac ka wadeen xaafada ay dhalinyarada ku dileen.
Maamulka gobolka Banaadira ayaa ku hanjabay in ay sharciga la tiigsan doonaan askari kaste oo geysta fal dhibaato ku ah shacab.
