Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maamulka Gobolka Banaadir oo dibadbax iclaamiyey

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu iclaamiyey in Maalinta Khamiisto ah ee soo socota uu Magaalada Muqdisho ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in banaanbaxaas uu noqon doono midweyn  ioo Shacbaka Muqdisho ku muujinaayan midnimadooda iyo in meel loogu soo wada jeesto Al-Shabaab.,

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Al—Shabaab dhibaato ku hayaan Shacabka Gobolkan Banaadir,isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay ka dhiidhiyaan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ay ku dhinteen dad u badan Shacab oo Sabtidii todobaadkaan ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho,iyaga oo tacsi u direy dadkii ku dhintey.

Exit mobile version