Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga hadashay weerarka sababay dhimashada iyo dhaawaca ee weli ka socda Goobo ku yaalla Wadada Maka-Almukarama ee Magaalada muqdisho.
Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa loogu tacsiyadeeyey dadkii ku geeriyooday weerarlaas,waxaana lagu sheegay inay murugada la qeyb sanayaan Shacabka Magaalada Muqdisho.
Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin weerarkaas,halka Madaxdii hore ee dowladda iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowlad goboleedyada ay ka hadleen.
Shacabka Soomaaliyeed,Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay siwadajir ah meel uga soo wada jeestaan Ururka Al-Shabaab.
Hoos Ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

