Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Luka Modric oo raaci kara raadka Cristiano Ronaldo

Fikradda ah in Luka Modric raaco raadkii Cristiano Ronaldo ayaa soo baxday sida lagu soo waramayo.

Saxaafada Talyaaniga ayaa haatan sheegeysa in ciyaaryahanka uu la kulmi doono madaxweynaha Madrid Florentino Perez si uu u waydiisto inuu ogolaado ku biirista kooxda Inter Milan.

Naadiga haatan ugu cad cad saxiixa Mordic ayaa loo arkaa Inter Milan oo dhowr jeer la kulantay wakiiladiisa xili ciyaareedkaan.

Waxaa loo ogaalan karaa inuu wadahadal la galo kooxda uu dooonayo haddii uu la kulmo madaxweynaha Real Madrid sida warbixinta lagu shaaciyay.

Waxaa lagu burburin karaa 750 milyan oo ginni heshiiskiisa haatan uu kula joogo kooxda Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Madrid ayaa wali ka walwalsan rabitaanka ciyaaryahanka, sida ay qortay La Gazzetta dello Sport.

Exit mobile version