Liverpool Oo Kusoo Biirtay Tartankii Xiddiga Real Madrid Ee Dani Ceballos Ilyaas Daa'uud 7 years ago Kooxaha horyaalka Premier League ee Liverpool iyo Tottenham ayaa la filayaa inay dagaalkoodii Final-kii Champions League haatan u leexin doonaan dhinaca suuqa kala iibsiga iyagooku tartamaya Dani Ceballos oo Real Madrid ka tirsan. Ceballos ayaa xilli ciyaareed gaabis ah kusoo qaatay Real walow uusan fursad buuxda ka helin waxaana uu 23 kulan oo horyaalka ah ugu soo dhaliyay kaliya saddex gool. Dhinaca kale xiddigan ayaa kooxdiisa soo matalay saddex kulan oo Champions League ah iyo lix kale oo Copa Del Rey ah balse wax gool ah ayuusan dhalinin. Dani ayaa bandhig aad u wanaagsan isla markaana qasbay in kooxo badani ay daba raacaan kasoo sameeyay koobkuu Euro U21 ee uu dhawaan xulkiisa Spain lasoo qaaday isagoo ahaa udub dhaxaadkii La Roja ee tartankaas. Wargeyska Marca ee fadhigiisu yahay dalka Spain ayaa maanta boggiisa hore halka hoose kaga xardhay in Liverpool ay Tottenham kula soo biirtay tartanka 22 jirkan.