Liverpool ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City iyo France N’Golo Kante, sida ay sheegayaan wararka.
Daily Star ayaa sheegtay in Tababaraha Reds Jurgen Klopp uu isha ku hayo xiddigan 25-sano jirka ah, kasoo lagu burburin karo qandaraaskiisa £ 22million,
Manchester United, Manchester City, Chelsea, Arsenal iyo Tottenham ayaa dhamaantood lala xiriiriyay inay u dhaqaaqaan Kante.
Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda France ee ciyaartii furitaanka ee Euro 2016 wacdaraha ka dhigay, Dmarkasoo xulka 2-1 ku garaaceen Romania.
