Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Liverpool iyo Chelsea Oo Heegan U Galay Hadal Kasoo Yeeray Wakiilka Gonzalo Higuain

Wakiilka Gonzalo Higuain ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka uu u cusbooneysiin doonin heshiiska kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Napoli.

Weeraryahanka Argentina ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 36 gool 35 kulan oo Serie A uu ka ciyaaray.

qaab ciyaareed fiican ayuu kujiraan 28-sano jirkaan ,waxaana aad loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo kooxaha ka dhisan Premier League xagaagan, iyadoo Chelsea iyo Liverpool labadoodaba lagu soo waramayo in ay xiiseynayaan saxiixiisa.

haatan weeraryahanka walaalkiis ahna wakiilkiisa, Nicolas Higuain, ayaa labada koox ee Premier League u sheegay war ay ku farxaan, kasoo ah in uusan jirin wax heshiis ah oo uu u kordhin doonon xiddiga Argentina kooxdiisa Napoli.

Exit mobile version