Xiddiga Lionel Messi ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda PSG kadib markii uu ka tagay kooxda Barcelona 21 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Camp Nou.
Todobaadkii hore ayay aayd markii ay Barcelona ka yaabsatay adduunka kadib markii ay xaqiijisay in uu Lionel Messi isaga tagi doono kooxda Kadib markii uu heshiiskiisu dhacay.
Xiddiga Lionel Messi ayaa gebi ahaanba shalay macsalaameeyay Kooxdiisii hore ee Barcelona, waxaana tallaabadaas aad uga xumaaday inta badan taagaareyaasha uu xiddga ku leeyahay Kubadda Cagta.

