Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Liiska Xildhibaanada Ahlusunna laga siiyey Galmudug oo la shaaciyey

Guddiga Farsamada iyo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Jimce ah shaaciyey liiska 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna Wal-Jamaaca laga siiyey Baarlamaanka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey Magacyada 20-ka Xildhibaan,isla markaana lagu sheegay in guddiga uu aqbalay soona dhaweynayo 20-ka Xildhibaan oo ay Ahlusunna u soo gudbiyeen.

Sidoo kale Guddiga farsamada iyo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in ay haatan guda geli doonaan soo xulista tirada ka harsan Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

Exit mobile version