Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Labo Macalin oo laga Afduubtay iskuul ku yaala Gaarisa

Gaarisa-RisaalaFM- Koox la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa Afduubtay labo Macallin oo ka tirsanaa Iskuul ay weerareen kadibna ay gubeen.

Iskuulka la weeraray ayaa ku yaalla degaanka Faafi, oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari.

Kooxda weerarkan qaaday ayaa ku hubaysnaa Qoryo fudud iyo Qaraxyo, waxayna sidoo kale bur buriyeen Xaruntii Isgaarsiinta degaanka.

Goobta uu weerarka ka dhacay ay waxaa gaaray Ciidamada Ammaanka ee Kenya, waxayna halkaasi ka billaabeen howlgallo ay ku xaqiijinayaan Nabadgalyada.

Xiriiriyaha arrimaha Amniga ee Gobolka waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in labada macalin ay afduubteen Dabley hubeysan, oo looga shakisan yahay Shabaab.

Waxa uu sidoo kale sheegay Maxamed Saalax labada macalin ee la Afduubtay in loo maleynayo in lala soo aaday dhanka Soomaaliya, oo laga soo talaabay xuduuda.

Gaari ay saarnaayeen Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Kenya ayaa shalay waxaa Qarax Miino lagule eegtay Degaanka Lamu, halkaasi oo ay ku geeryoodeen ilaa 4 Askari.

Exit mobile version